Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug ayaa shaacisay waqtiga la qaadayo imtixaanka shahaadiga fasalka 8 aad ee dugsiyada waxbarshada Galmudug.
War quraal ah oo ay shaacisay wasaaradda waxbarshada ayaa u qoranaa sida tan-
‘Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug waxay Sanadkii 6aad qaadi doontaa Imtixaan mideysan oo fasalka 8aad ah si loo tayeeyo loona mideeyo waxbarashada Dhammaan Dugsiyada Galmudug.
Sidaas daraadeed waxaa lafarayaa Dhammaan Dugsiyada in ay u diyaar garoobaan ardeydana lagu wargaliyo in imtixaankaas si isku mid ah loogu fariisan doono dhammaan Dugsiyada Galmudug anagoo ahaacin doonna xarumaha lagu galidoono imtixaanka.
Imtixaanka Fasalka 8aad ee Dowladda Galmudug waxa uu bilaaban doonaa 08/06/2024 waxa uuna dhammaan doonaa 11/06/2024.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug waxay faraysaa dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ee ku sugan degmooyinka in ay gaarsiiyaan farrintan Dugsi kasta iyo Arday kasta oo ay qusayso warqaddan si loo billaabo hannanka u diyaargarowga imtixaanka’.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug ayaa sanadkii lixaad qaadeysa imtixaanka shahaadiag dusiyada Galmudug taas oo muu jineysa in galmudug ay hormar wanagsan ka gaartay dhanka waxbarshada.
Hoos ka khriso Qoraalka Wasaaradda