Wasiirka Beeraha iyo WFP oo kala saxiixday heshiis cusub
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Federalka Somaliya iyo Hay’adda WFP ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan qeybinta agabka iyo cuunnooyinka aas-aasiga u ah badbaadinta nolosha bulshooyooinka xoola dhaqatada iyo beeralayda Soomaaliyeed.
Mudane Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) ayaa sheegay in tallaabadani ay sahlayso in caawimaad la sameeyo taasoo hoos u dhigi doonta u nuglaanshahooda waxyeelada korna u qaadi doonta awooddooda la qabsiga cimilada.
Heshiiskaan waxaa kala saxiixday wasiirka wasaaradda beeraha Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} iyo Agaasimaha Hay’adda WFP Soomaaliya uga wakiilka ah Mudane El-Khidir Daloum.
Madaxda wasaaradda beeraha dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo wasiirka wasaaraddaasi ayaa muddooyinkii dambe waday dedaallo ay sheegeen in ay ku horumarinayaan beeraha Soomaaliya.
Xafiiska Muqdisho
Shabakadda GalmudugMirror