Wasiirka difaaca oo la kulmay danjiraha Shiinaha

0
40

Wasiirka difaaca oo la kulmay danjiraha Shiinaha

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane FEI Shengchao ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha,gaar ahaan amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka ayaa ka mahadceliy garab istaagga iyo taageerada dowladda iyo shacabka Shiinaha ee Soomaaliya, isaga oo xusay xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane FEI Shengchao ayaa sheegay in Soomaaliya ay dalkiisa ay u tahay saaxiib soo jireen ah, isaga oo ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada ay ugu jiraan xasilinta iyo xaqiijinta hannaanka dowladnimo.

GalmudugMirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here