Wasiirka Difaaca “Waan ka gudubnay markii la dhihi jiray…”
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay la jaan-qaadayso dunida horumartay si ay ula tallaabsato dhiggeeda, taasooo ku timid shaqo badan oo dowladda madaxweyne Xasan ay qabatay.
“Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay, Danteena anagaa naqaana, sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.
Hadalka wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo markii labaad dowladda Masar ay magaalada Muqdisho ka dejisay saanad millateri oo ay ugu talagashay dowladda federaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa ayaa wali ku jira dagaal ka dhan ah Islaamiyiinta mintidka ah ee Shabaab, kuwaasoo lagaga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla gobollada dhexe ee dalka.
Muqdisho, Soomaaliya
Shabakadda GalmudugMirror