Xilli ay meel xasaasi ah marayso doodda wax ka beddalka dastuurka KMG ah ayaa maalinba maalinka xiga waxaa sii kordhaya tirada xildhibaannada ka hor-imaanaya qaabka loo wado wax ka beddalka qabyo-qoraalka dastuurka.
In ka badan 70 Xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor yimid hannaanka loo wado wax ka bedelka dastuurka dalka.
Xildhibaannada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dastuurka laga bedelay 45 qodob, laguna soo kordhiyey 19 qodob oo aan ku jirin asalkii dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, taas oo ka dhigan in aynaan heshiis ku ahayn dhammaan dhinacyada saamilayda siyaasadda dalka oo badi aan laga talo-gelin.
Sharci-dejiyeyaashan ayaa caddeeyay in shaqada socota ee wax ka bedelka dastuurka aysan qeyb ka noqon doonin waxaana ay ku tilmaameen mid gebi ahaanba meesha looga saarayo dastuurkii dalka.
“Waxaan walaac xoog leh ka qabnaa hanaanka loo bedelayo dastuurkii iyo qaab-dhismeedkii dowladeed ee heshiiska lagu ahaa, taas oo dhaawaceysa midnimada iyo xasiloonida siyaasadeed ee qaranka” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xildhibaannada.
Bayaan ka soo baxay xildhibaanadaasi ayaa lagu sheegay in heshiiskii lagu go’aamiyey in dastuurka wax laga bedelo ee golaha wadatashiga qaranka uu ahaa mid aan loo dhamayn oo Puntland ay ka maqantahay.
“Guddoonka BFS wuxuu ku guul-dareystay ilaalinta kala madax-banaanida hey’adaha dowladda, go’aankii golaha wadatashiga qaranka ee dastuurka ku saabsanaa ma aheyn mid loo dhan yahay, maadaama Puntland ay maqneed” ayuu sii raaciyay bayaanka.
Kulankii 27-aad ee wax ka beddalka dastuurka looga doodayo ayaa maanta oo talaado ah loo madlan yahay, iyadoo baarlamaanka labadiisa aqal ay weli wadaan ka doodista cutubta afaraad.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya