Xisbiga Madaxweynaha Turkey oo looga adkaaday doorashooyinka dowladaha hoose…

0
40

Xisbiga Madaxweynaha Turkey oo looga adkaaday doorashooyinka dowladaha hoose…

Xisbiga ugu weyn mucaaridka dowlada Turkiga, ayaa guulo waaweyn ka gaaray doorashooyinki dowladaha hoos ee Axaddii shalay ka dhacay guud ahaan 81-ka gobol ee dalka Turkiga .

Xisbiga CHP ayaa dib ugu guuleystay guud ahaan magaalooyinka Istanbul, Ankara iyo Izmir, sidoo kalana kaga guuleystayhaatan Ka arimiya wadanka Turkiga ee AKP magaalooyin uu aad ugu xooganaa isla markaana ayna hogaamiyaal Ka ahaayeen ayaa shalay doorashoodii looga adkaaday .

Guusha CHP ayaa dhabar jab weyn ku ah madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, iyo xisbigiisa AKP oo rajo ka qabay, in ay dib u soo ceshadaan caasimadda ganacsiga ahna magaalada ugu weyn ee Istanbul, oo gacantooda ka baxday sannadki 2019-ki balse xaalku ma noqon sida Uu Ku fakaray xisbiga AKP.
wakaaladda wararka Dowladda Turkiga ee Anadolu, ayaa sheegtay in duqa magaalada Istanbul Ekram Imamoglu oo ka socda xisbiga mucaaridka ee CHP ayaa codbixinti Istanbul ee shalay ka helay 50.6%, halka murashaxi matalayay xisbiga AKP uu Murat Kurum, oo horay u soo noqday wasiirka deegaanka uu helay booqolkiiba 40.5%.

Magaalada Ankara ayaa waxaa isna dib ugu guuleystay duqa magaalada Mansur Yavas, Yavas oo ahaa duqa Ankara tan iyo sannadki 2019-ki ayaa isna ka tirsan xisbiga CHP. 25 boqolkiiba ayuu kaga badiyay murashaxi kula tartamayay doorashadi shalay.

Guud ahaan CHP ayaa doorashadi Axadi shalay dhacday ku guuleystay ilaa 36 gobol, oo ka mid ah 81-ka gobol ee dalka Turkiga. Taasoo uga dhigan guushi ugu weyneyd ee ay ka gaaraan madaxweyne Erdogan tan iyo marki uu tala Turkiga la wareegay sannadki 2002-di.

Khudbad uu xalay jeediyaya madaxweynaha turkiga , ayuu madaxweyne Erdogan ku qirtay guuldarada xisbigiisa kasoo gaartay doorashooyinki dowladaha hoos ee Axadi dhacay.

ordugan ayaa siweyn uga fakaray in uu xisbigiisu hanto natiijada doorashada balse waa looga itaal roonaaday dowladaha hoose .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here